Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay danjire Aadan Xasan Aadan (Daawo Sawirro)

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Ing. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dowlada an walaalaha Nahay ee Jabuuti

Labada Masuul ayaa kawada hadlay sidii Loo horumarin lahaa caasimadda Somalia Magaalada Muqdisho, waxaana safiirku balan qaaday in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto arintaas.

Sidoo Kale Duqa Muqdisho wuxuu la kulmay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia.

Guddoomiyaha iyo Ergayga ayaa ka wada hadlay sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoo labada ay isku afgarteen qaabkii arintaas loo wajihi lahaa.

  

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare oo lasoo saaray (Halkan ka Akhriso)

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliye Xijaar oo shir xasaasi ah la qaatay Saraakiisha qeybaha Booliska

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta furay Kalfadhiga afaraad ee Golaha Wakiiladda (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---