Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Beyco la gashay 40-Hogaamiye Beeleed (Daawo Sawirada)

Al Shabaab ayaa gobolka Shabeelaha Hoose kulan maalmo badan socday ugu qabatay Odayaal dhaqmeed ka kala yimid deegaano kala duwan, kuwaa oo hogaamiyaha qaar kamid ah beelaha dega Deegaanada ay maamulaan Al Shabaab.

Odaaasha Kulanka ka qeyb galay oo la sheegay in ay ahaayeen 40-hogaamiye ayaa beyco ama heshiis waxa ay la galeen hogaanka sare ee Al Shabaab, waxa ayna Odayaasha balan qaadeen in garab istaagi doonaan Al Shabaab.

Masuuliyiinta Al Shabaab ee beycada la galay Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa hogaaminayay Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow oo kamid ah hogaanka ugu sareeya ee Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa inta badan kulamo u qabata waxgaradka iyo dadka kale ee kunool deegaanada ay maamulaan, waxa ayna Shabaab dadkaasi ka codsadaan in ay ku taageeraan dagaalada ay ku jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacawday dalka Eritrea

Cabdi Cade

Qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Weriye ka tirsanaa telesfishinka Universal oo goor dhow toogasho lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---