Geerida Ilmo yar oo Saacado un dhalnaa oo sabab u noqday in Wasiir uu is casilo

Wasiirkii caafimaadka dalka Tunisia, Abdel-Raouf El-Sherif ayaa is casilay kadib markii Isbitaal dowlada maamusho oo kuyaala magaalada Tunis ay ku geeriyoodeen 11- caruur ah oo saacado un dhalnaa.

Baaritaano horu dhac ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in caruurtaasi isbitaalka ku dhalatay ay u dhinteen caabuq ka dhashay oksijiin la’aan mudadii u dhexeysay todobada ilaa sideedda bishan Maarso.

Wasiirkii caafimaadka dalka Tunisia, Cabdirauf Sharif  oo afar bil un xilkan hayay ayaa isku casilay fadeexada ka dhalatay geerida caruurta yar yar ku timid, waxa uuna sheegay wasiirka in uu aad uga naxay geerida caruurta iyo daryeel la’aanta lasoo daristay.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Yuusuf Shahiid ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabay baaritaano lagu sameenayo isbitaalka dowladu maamusho ay caruurta ku geeriyoodeen, waxa uuna xusay in si gaar ah loo baarayo habka faayo dhowrka isbitaalka iyo farmashiga.

Dalalka caalamka ayaa inta badan qaladaadka iyo waxyaabaha kale ee dhaca waxaa lagu ciqaabaa madaxda xilalka heesa, halka Soomaaliya aysan ka jirin isla xisaabtan ayna xilalka sii hayaa masuuliyiinta musiibo kasta oo dhacda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -