Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacawday dalka Eritrea

Madaxeynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki, ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo si rasmi ah uga guddoomay safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo loo magacaabay dalkaasi Dr Cumar Idiris, oo horey usoo noqday safiirkii Qatar u joogay Soomaaliya.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana noqotay dowladii ugu horeesay oo dalka Eritrea la yeelata xiriir diblumaasiyadeed, waxa uuna madaxweynaha dalkaasi u magacaabay safiir Soomaaliya wakiil uga noqon doona dalkaasi.

“Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yiri qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X.

Madaxweynaha dalka Eritrea ayaa Jimcihii warqadaha aqoonsiga danjirnnimo ka guddoomay 17-safiir oo waddano kala duwan ka socday , waxaana kamid ahaa safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi Cumar Idir.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Sabriye: “Dhaqanka Ahlu sunna Waljameeca ka muuqda waa dib u noqosho”

Caydiid Ali

Daryanka rasaasta iyo Madaafiicda oo mar kale laga maqlayo Laascaanod

Caydiid Ali

Tababare Caan ah oo diiday Bilad Sharaf uu Madaxweyne Trump siin lahaa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---