Qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland oo la shaaciyey

Qaar ka mida odayaasha dhaqanka degaaanada Jubbooyinka iyo Guddiga Doorashada Jubalanad ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku raacay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland.

Kulan ku dhex maray magaalada Kismaayo ayaa loOga dooday qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Waxaa la isku afgartay qorshe ay Guddiga Doorashada Jubbaland ku meel mariyeen hannaanka loo marayo doorashada Xildhibaanada oo ah in beel kasta oo leh hal Xildhibaan ay guddiga doorashada u soo gudbiso saddex xubnood, si ay midkood uga soo xulaan.

Odayaasha ayaa sheegay in ciddii cabasho qabta ay timaado Jubbaland isla markaana ay qayb ka noqoto geeddi socodka Doorashooyinka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -