Weriye ka tirsanaa telesfishinka Universal oo goor dhow toogasho lagu dilay

Weriye ka tirsanaa TV-ga Universal ayaa goor dhow lagu dilay degmada Afgooye gobolka Sh/hoose.

“Kooxo hubeysan ayaa goor dhow ku dilay dagmada Afgooye wariye Cabdiweli Cali Online oo ahaa wariyahii TV-ga Universal ee gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga TV-ga Universal uu ku leeyahay facebook.

Illaa hadda ma jirto wax faahfaahin intaas dheer oo laga bixiyey dilka weriyehan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan 2020 lagu dilo gudaha Somalia.

Dilkan ayaa imanaya maalmo kadib markii Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ay sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis kaga imaneyso weerarada kooxda Al-Shabaab iyo handadaada dowladda Soomaaliya.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -