Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Arday saakay lagu dhax dilay fasalka Iskuul uu wax ka dhiganayay !!

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay Iskuulka Mujaca ee kuyaala magaaladaasi uu ka dhacay dil ay aad uga argagaxeen ardayda wax kabarata iskuulkaasi.

Mid kamid ah ardayda wax ka barata Iskuulka Mujaca ayaa la sheegay in gudaha fasal ay dhiganayeen isku dagaaleen arday kale, waxaana dagaalkaasi uu sababay in uu geeriyoodo mid kamid ah ardayda dagaalantay.

Ardayfa dika geestay ayaa toorey ku dhuftay ardayga ay dagaalameen ,, waxaana iskuulka laga qaaday ardayga tooreyda lagu dhiftay isaga oo dhaawac ah balse gar gaar caafimaad deg deg ah uu waayay ayaa la sheegay in uu u geeriyooday.

Dhacdadan ayaa saakay noqotay mid dad badan ka naxeen, waxaana banaan bax dhigay ardayda Iskuulka uu falku ka dhacay ee Mujamac kuwaa oo ka careesnaa dilka iyo sidoo kale isbitaal xumada magaalada Baladweyne ka jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shariif & Xasan Shiikh oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo hal shardi ku xiray in Kim John Un ku casuumo Aqalka cad

Cabdi Cade

Daawo:-Dhalinyaro u bareertay arrin halis Caafimaad leh & digniino laga bixiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---