Al-Shabaab duulaan ka soo laabtay oo lagu duqeeyey gobolka Jubada hoose

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Weerar dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada hoose.

Gaadiidka la beegsaday ayaa la sheegay inay u socdeen duulaan ka dhan ah Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland, waxaana ka hor duqeynta goobta ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Dad tuulo joog ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al-shabaab ay markii hore weerar ku ekeeyeen saldhiga ciidanka ee degaanka Muuse Xaaji, balse ay iska caabin  xooggan kala kulmeen ciidamadii Jubbaland, waxaana markii ay dib u  laabteen dabagal ku sameeyey dayuuradaha Maraykanka oo gantaalo la beegsaday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Jubbaland oo lagu magacaabo  Kabtan Maxamed Daahir Nuur ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duqeynta  lala eegtay gaadiidka Al-Shabaab looga dilay 30 dagaalyahan gaadiid badana laga gubay.

Mareykanka ayaa u muuqda mid xoojinaya weerarrada cid ka dhanka Al-shabaab, inkastoo dhanka kale ay sheegeen in Al-shabaab aan looga adkaan karin duqeymaha ay la beegsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -