Maamulka Dekedda Muqdisho oo ka hadlay Markab Sonkor wada oo ku soo xirtay Dekeda

Madaxda Dekedda iyo Ganacstadda uu u raran yahay Markabkaasi waxay sheegeen inuu Dekedda Muqdisho ku xoo xirtay Markab weyn oo ay saaran tahay 40,000 oo Tan oo Sonkor Nadiif ah.

.Madaxda Dekedda Mudqisho iyo Saraakiisha Qeybta qaabilsan Kontoroolka Tayada  badeecadaha ee Dekeddaasi oo la hadlay Warbaahinta waxay si kulul u beeniyeen warar ay qaar ka mid ah warbaahintu soo daabaceen, kuna sheegeen in Markab wada Sonkor  xumaatay inuu ku soo xirtay Dekedda Weyn ee magaalladda Muqdisho.

Madaxdaasi waxay xuseen inay  Sonkortaasi oo Tayo wanaagsan leh, laga keenay dalalka Khaliijka, isla markaana ay tahay Badeecad la hubiyey, oo waafaqsan Nidaamka Caalamiga ee Tayada Sonkorta.

Madaxdu waxay Warbaahinta la wadaageen inaysan faraha la gelin karin Khilaafka iyo Loolanka Ganacsi ee u dhexeeya Ganacsatadda Shixnadaha Sonkorta ka soo degsada Dekeddaha waaweyn ee dalkeenna, gaar ahaan Dekedda weyn ee Muqdisho sida ay hadalka u dhigeen.

Hawlwadeennadda Dekedda Muqdisho waxay  sheegeen in Markab laga dajiyey shixnad sonkor ku raran tahay uu taagan yahay Badda meel ka baxsan Dekedda, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha  ay  sheegeen in tayada badeecadaas la hubiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -