Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Bariise oo ka hadlay askar ka tirsan Booliska oo dilal ka geystay Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamo ka tirsan Booliska oo Muqdisho ku dilay dad shacab maalmihii ugu danbeeyay.

Madaxa Waaxda canshuuraha ee Booliska Jen. C/llaahi Xasan Bariise ayaa shir jaraa’id ka sheegay Magaaladaani Muqdisho ka sheegay inay gacanta ay kusoo dhigeen askar falal dil ah ka geysatay magaalada Muqdisho, iyadoo loo gudbiyey xabsi, lana soo taagi doono maxkadamadda ciidamada.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Taliyaha Booliska Soomaaliyeed iyo kan Booliska waxaan idiin caddeynayaa inaan gacanta kusoo dhignay intii ugu badneyd askar dilal kala duwan geystay” ayuu yiri Bariise.

hadalkan ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkii hore askar ka tirsan ciidamada booliska ay siyaabo kala duwan ugu dileen Muqdisho dad shacab ah oo ay ku jiraan rag darawalo ka ahaa mootooyinka bajaajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Daawo Video) Aabo Soomaaliyeed oo kaalmo u baahan kuna dhibaataysan degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho !!

admin

Beesha caalamka oo fariin u dirtay Xildhibaanada labada aqal, saacado ka hor doorashada

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo booqday Deegaano Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---