Puntland oo xabsiga ku celisay siyaasi caan ah oo dhowaan la sii daayey

Maamulka Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka xiray siyaasiga Muuse Cali Jaamac oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Puntland sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ninkan ayaa ka mid ah tiro siyaasiyiin iyo odayaal ah oo hay’adaha amaanka Puntland ay habeenadii la soo dhaafay xabsiga dhigeen.

Muuse Cali Jaamac ayaa dhowr bilood ka hor Maxkamad ku taalla Boosaaso dambi ku weysay markii loo qabtay in uu akhriyay war-saxaafadeed ay Odayaasha soo saareen oo ka dhan ahaa DP World

Waxaa loo heystaa inay ka soo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni iyo heshiiska DP World ku maamuleyso Dekadda Magaalada Boosaaso waxayna dhowr jeer shirar ka dhan ah Puntland ku qabteen Boosaaso.

Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Magaalada Boosaaso ayaa maalmo ka hor shir jaraa’id oo ay ku qabteen Boosaaso kaga soo horjeestay sida Puntland ula shaqeyso DP World.

Wixii intaas wixii ka dambeeyay waxaa habeen walba guryahooda Boosaaso lagala baxayay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta shirkaas ka qeyb galay oo xabsiga loo taxaabayey, illaa haddana maamulka kama hadlin xarigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -