Allbanaadir.com
NEWS

Xilliga ay dhacayaan doorashada Guddoonka labada aqal oo goordhaw la shaaciyay

Guddiga doorashada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw shaaciyay habraaca loo marayo doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanaka iyo xilliga rasmiga ah ee doorashada dhaceyso.

Dooarshada Guddoonka aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa la shaaciyay in ay dhaceyso 26-ka bishan halka doorashada guddoonka gollaha shacabka iyana dhaceyso 27-da bishan April.

Guddiga doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in diiwaangelinta musharaxiinta guddoonka labada aqal ay bilaabaneyso beri oo taariikhdu tahay 19-ka bishan.

Doorashada Guddoonka labada aqal ayaa u muuqata mid si weyn loo soo dedejiyay, waxaana xildhibaanada labada aqal goordhaw si wadajir ah u meel mariyeen xeerka doorashada guddoonka labada Aqal oo la horgeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka XDS

Caydiid Ali

Qaraxyo basas loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Tel Aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

NISSAN oo $1 ku iibisay faraceedii Ruushka, sidoo kalena khasaartay $687 Milyan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---