Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax lagu weeraray Injineero Soomaali iyo ajaaniib ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Jaamacada Shabelle oo kutaala Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen Injineero Soomaali iyo Ajaaniib isugu jiray oo ka yimid deegaanada kuyaala duleedka Muqdisho kuna soo jeeday  caasimada.

Weerarkan qaraxa loo adeegsaday waxaa ku dhaawacmay afar ruux oo la socotay gaariga qaraxa lala eegtay oo Hilux ahaa , dadka dhaawacmay ayaa sadex kamid ah la sheegay in ay ahaayeen Injireero , waxa ayna laba kamid ah u dhasheen dalka Shiinaha.

Injineerada qaraxa ku dhaawacmay oo u shaqeenayay mid kamid ah Shirkadaha Korontada ee magaalada Muqdisho ayaa dhaawacyadooda lasoo gaarsiiyay xarumo caafimaad oo kuyaala magaalada Muqdisho.

Qaraxyada miino ee lagu aaso hareeraha wadada xariirisa Muqdisho iyo afgooye ayaa inta badan lala eegtaa gaadiidka dagaalka ay wataan ciidanka dowlada iyo sidoo kale gaadiidka loo yaqaan Hilux ay inta badan wataan mausuuliyiinta ioyo saraakiisha ciidanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kooxda Daacish oo madaxa ka goysay Col. Yasser Al-Jourani (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee Muqdisho oo maanta lakala saxiixday (Sawirro)

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Xamse oo xilal u Magacaabay masuuliyiin cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---