Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga iyo Shiinaha oo si adag uga hadlay Weerarka India ku qaaday Pakistan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga, ayaa cambaareysay weerarrada gantaalada loo adeegsaday ee Hindiya ay ku qaaday Pakistan, iyadoo sheegtay in lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah iyo kaabayaasha rayidka.

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayey si weyn uga digtay in tallaabada ay qaaday dowladda Hindiya kicinta dagaalka , waxa ayna sheegtay wasaaradda in weerarka Hindiya uu furay albaabka dagaalka dhan waliba.

Dowladda Turkiga , ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay u dhaqmaan si macquul ah, waxayna sheegtay inay rajeynayaan in la qaado tillaabooyin lagu qaboojinayo xiisadaha sida ugu dhaqsaha badan.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Shiinaha, ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay weerarrada dhinaca cirka ee milatariga Hindiya xalay ay ku qaadeen gudaha Pakistan iyo Kashmir-ta ay Pakistan maamusho .

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa caddeeyay in ay ka welwelsan yihiin xiisada colaadeed ee ka dhax aloosan Pakistan iyo Hindiya, waxa uuna xusay in labada dal ay yihiin daris loona baahan yahay xal aan dagaal aheyn la keeno.

Xiisada dagaalka ee u dhaxeeya dowladaha Pakistan iyo Shiinaha ayaa si adag looga cambaareeyay caalamka, waxa ayna madaxda dalal badan ku baaqeen in xiisada dagaal la dejiyo lana raadiyo xal kale aan dagaal aheyn.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo ka qeyb galay Munaasabada calansaarka 1-da Luulyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Ballan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Bannaan bax looga soo horjeeday Dilka Cabdullaahi Cali Hudeey oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---