Milatariga Pakistan, ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii xalay ka dhax qarxay iyaga iyo kuwa Hindiya, waxa ayna dowladda Pakistan durba soo riday diyaarado dagaal oo ay adeegsanayeen ciidamada cirka ee dowladda Hindiya.
Afhayeenka ciidanka milatariga Pakistan, Jen. Axmed Shariif, ayaa sheegay in ciidankooda soo rideen shan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo ay adeegsanayeen milatariga Hindiya, waxa uuna xusay in ciidankooda diyaar u yihiin xilli kasta in ay is-difaacaan.
Jen. Axmed Shariif, ayaa xusay in diyaaradaha dagaalka Hindiya ay soo rideen in ay ku jiraan saddex diyaarad oo nuuca Rafale jiilka 4.5 ay soo saarto dowladda Faransiiska , hal diyaarad oo nuuca Su-30 oo soo saarto Ruushka iyo sidoo kale hal diyaarad oo nuuca Mig-29 oo isna Ruushka soo saaro.
Diyaaradaha Rafale ee Faransiiska soo saaro, ayaa mid kasta lagu qiimeeyaa lacag gaareysa 288 milyan oo dollar, halka diyaarada Su-30 ee Ruushka soo saaro lagu qiimeeyo 50 milyan oo dollar ,sidoo kale diyaarada Mig-29 ayaa iyana qiimo ahaan joogta 30-milyan oo dollar.
Qiimaha shanta diyaaradood ay soo rideen milatariga Pakisyan, ayaa isku darkooda waxa uuna noqonayaa 944 milyan oo dollar, waxa ayna tani niyadjab weyn ku tahay milatariga Hindiya, oo durba khasaaro weyn uu kasoo gaaray weerarkii ay xalay ku qaadeen Pakistan.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com