Raisul Wasaare Xamse oo xilal u Magacaabay masuuliyiin cusub (Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.

  1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
  2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu 7dii January u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur inuu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -