Khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo la shaaciyay

Qarax xoogan oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay maanta ka dhacay goob kaalin shidaal ah oo ku dhaw taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay gaariga qarxay ayaa yaalay halka ay kutaalo kaalinta shidaalka oo ku dhaw xarunta Wasaarada Batroolka iyo Macdanta, waxaana gaariga uu qarxay xili uu goobtaasi yaalay.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob kaalin shidaal ah, waxa uuna xusay in goobta qaraxu ka dhacay u muuqan mid bartilmaameed ah balse gaariga oo halkaasi yaalay uu qarxay.

Waxa uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada in qaraxan ku dhinteen labo qof oo shacab ah sidoo kale ay ku dhaawacmeen shan qof oo kale oo loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhacaya xili isbuucyadii lasoo dhaafay magaalada ay ka nasatay qaraxyada xoogan, waxaana laamaha amaanka wadaan baaritaano ku aadan qaraxan iyo cidii soo abaabushay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -