Warar soo baxaya , ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu soo iibsaday diyaarado nuuca dagaalka ah , kuwaa oo loo adeegsanayo sirdoonka iyo sidoo kale duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan buuraha gobolka Bari.
Saraakiil katirsan maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay in maamulka Siciid Deni soo iibsadeen diyaarado Puntland u adeegsaneyso duqeymaha kooxaha argagaxisada ah, waxa ayna diyaaradahan kaalin wen ka qaadan doonaan howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad.
Xogta aan helnay, ayaa sheegeysa in Puntland soo iibsatay afar diyaaradood oo nooca dagaalka ah, kuwaa oon la shaacin dalka laga soo iibiyay , waxaana diyaaradahaasi labo kamid ah laga dejiyay magaalada Boosaaso, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad .
Ciidamo katirsan Puntland, ayaa loo tababary adeegsiga diyaaradahan nuuca dagaalka ah ee maamulka soo iibsday, waxa ayna diyaaradahan caawin doonaan ciidamada difaaca Puntland ee wada howlgalka dhinaca lugta ah, halka diyaaradahan fulin doonaan duqeymo dhinaca cirka ah.
Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, ayaa Puntland si weyn uga taageerayay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, waxa ayna diyaarado dagaal oo labadan dal leeyihiin duqeymo dhowr ah ka fuliyeen buuraha ay gabaadka ka dhiganayaan Daacish.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com