Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kooxda Daacish oo madaxa ka goysay Col. Yasser Al-Jourani (Daawo Sawirro)

Mas’uuliyiinta dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyay dilka sarkaal sare oo ka tirsan booliska dalkaasi labo todobaad kadib markii ay afduubteen kooxda Daacish.

Daacish ayaa soo bandhigtay sawir Talaadadii kaasoo muujinayay Colonel Yasser al-Jourani oo qoorta laga gooyay loona xiray dhar midabkiisu ahaa jaalle. Waxaa la qafaashay isaga oo howlgal ka waday gobolka fog ee Xamriin ee dalka Ciraaq.

Mid ka mid ah dadkii la socday ayaa la helay isaga oo meyd ah, halka midka kalena nolol lagu helay, balse markii dambe ayuu u geeriyooday dhaawacii loo geystay.

Ciidanka Ciraaq ayaa wacad ku maray in ay u aargudi doonaan sarkaalkaas ay daacish qoorta ka goysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo soo bandhigay xalka kaliya ee lagu yareen karo barakaca dadka (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor-qoor iyo Wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska horimaad Gaalkacyo ku dhexmaray Maleeshiyo kala taabacsan Puntland & Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---