Dowlada Somalia oo si dabacsan uga jawaabtay Hadalkii Madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ka dhawaajiyay hadal dad badan oo Soomaaliyeed ka careesiiyay siyaabo kala duwan looga hadlay, kadib markii Soomaaliya usoo qaatay tusaale aan wanaagsaneyn.

‘Waxaa jira dalal badan oo aan dowlad lahayn, Waa jiraan, mana laha maamul shaqeeya, Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamadaasi” Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo Soomaaliya ka joogaan ciidamo nabad ilaalin ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Idaacada BBC, ayaa si dabacsan uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawad in Madaxweyne Yoweri Museveni si iskiis ah isaga hadlay, waxa uuna intaa raaciyay Wasiirka in lawada ogayahay in Soomaaliya leedahay dowlad shaqeysa.

Jawaabta Wasiirka arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya ka bixiyay hadalka Madaxweynaha Uganda oo aheyd mid kooban ayaa u muuqata in dowlada Soomaaliya wali aysan isku raacin jawaabtii ay hadalka Yoweri ka bixin laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -