Allbanaadir.com
NEWS

Mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee Muqdisho oo maanta lakala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yer ee ku nool caasimadda.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka aadka u nugul ee ku nool gobalka.

Guddoomiyaha Gobobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in mashruucan wasaaradda ku wareejisay ay ku wareejin doonaan dadkii loogu talagalay si wax loogu qabto.

Mashruucan lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in lagu taageero dadka danta yar ee kunool magaalada Muqdisho, mana shaacin maamulka gobolka qaabka mashruucan dadka danta yar loogu taageeri doono.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari ka tirsan Ciidanka daraawiishta K/Galbeed oo xukun dil ah lagu fuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo casuumay Xulka Qaranka Soomaaliya ee ku guuleystay koobka CECAFA

Caydiid Ali

Nabadoon Mucaarad ku ahaa Axmed Madoobe oo caawa lagu dhaawacay Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---