Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxaweyne Laftagareen oo markii ugu horeysay qaabilay wafdi ka socday QM (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somalia C/casiis laftagareen ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo qodobo.

“Madaxa Xafiiska UNSOM ee Baydhabo ayaan maanta ku qaabilay xafiiskeyga. Waxaan ka wada hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyn ee UNSOM iyo KGS” ayuu yiri Laftagareen oo qoraalkan soo dhigay.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xili saraakiisha QM ee Somalia aysan ka qeyb gelin xafladii caleemo saarka madaxweyne Laftagareen oo lagu qabtay magaalada Baydhabo dhowaan.

Wakiilkii QM ee Somalia Nicholas Heysam ayaa xilkiisa ku waayey sababo la xiriira shaqaaqadii doorashada KG ka hor ka dhacday Baydhabo iyo xarigii Mukhtaar Roobow.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo sheegay in Somalia uu ka jiro musuq-maasuq

Caydiid Ali

Mustafe Cagjar oo sagootiyay ciidamo Soomaali ah oo loo diray dagaalka Tigray (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisay Liiska xubno badan oo laga dhigayo Xildhibaano !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---