Al-Shabaab oo lagala wareegay Saddex degaan oo Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa Al-Shabaab kala wareegay degaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Somalia.

Taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga Dalka Soomaaliya Gen. Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ay fuliyeen Ciidamada Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ay Al-shabaab ka saareen degaanada Canjeel, Beerxaani iyo Janaay Cabdalla.

Waxaa uu tilmaamay in Al-Shabaab Khasaaro dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay howlgalkaasi, isagoo xusay in 10 dagaalyahan laga dilay 22 kalena laga dhaawacay.

Dagaalada degaanadaas ka dhacay ayuu sheegay in Al-shabaab looga qabsaday afar gaadiid oo  kuwa dagaalka iyo hub kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -