Wasiir ka tirsan Xukuumada RW Rooble oo sheegay in Somalia uu ka jiro musuq-maasuq

Wasiirka Waxbarashada DF C/llaahi Abuukar ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro Musuq-maasuq fara badan oo wejiyo kala duwan leh.

C/llaahi Abuukar ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Kulanka golaha shacabka ee maanta oo lagu ansixiyey wax ka bedelka sharciga waxbarashada dalka.

Waxaa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay kaliya musuq maasuq u yaqaanaan lacago la kala qaato, balse dalka uu ka jiro musuq maasuq Waxbarasho oo saameyn ku yeeshay Iskuulada & Jaamacadaha.

Waxaa uu xusay in maalmo ka hor ay arkeen Arday fara badan dhigta Jaamacado ku yaalla M uqdisho, kuwaasoo markii baaritaan lagu sameeyay laga waayay arday heysta Shahaadada Dugsiga sare.

Wasiirka ayaa timaamay in Wasaaradda Waxbarashada ay qorsheyneyso in musuq maasuq dhanka waxbarashada ah ee jira dalka ay waxka qabato, si loo badbaadiyo mustaqbalka dhalinyarada, loona helo aqoonyahano wax ku bartay wadadii saxda aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -