Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Iran oo mar kale tiro Gantaalo ah ku weeartay Israel

Iran ayaa weerar gantaallo ku qaaday Israa’iil, iyadoo digniinta weerarrada laga shiday Tel aviv oo ay dadku ku jiraan dhulka hoostiisa iyo goobo gabbaad ah, sida uu ku warramay Channel 12.

Gantaalaha Iran ayaa jawaab u ah weeraro galabta Israel ka fulisay xarumo dowladeed iyo kaabeyaal dhaqaale oo ku yaala magalada Tehran iyo goobo kale.

Israel ayaa hawada ka saartay qadka internetka si aan loo tebin oo ay u qariso khasaaraha gantaalaha Iran, iyadoo warbaahintana loo diiday iney si live ah u tebiyaan.

Iran ayaa khasaare balaaran u geysatay Israel maalmihii la soo dhaafay kaasoo gaaray magaalo kasta, sidoo kale Israel ayaa weeraro maalinle ah ka wada gudaha Iran kuwaasoo khasaarooyin kale geysnaya.

Related posts

Labada Kuuriya oo qaaday talaabo kale oo nabadeed & caalamka oo soo dhoweeyey

Caydiid Ali

Maxaa laga helay baaritaankii heyadda FBI ku sameysay hoyga Madaxweyne Biden?

Caydiid Ali

Xafladii Sanadguurada Qoor-qoor oo sabab yaab leh loo baajiyey & Madaxdii hore oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---