Rasaasta iyo duqeymaha Israel ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku dilay ugu yaraan 140 qof guud ahaan Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee deegaanka.
Qaar ka mid ah Falastiiniyiinta ku sugan Marinka ayaa sheegay in xaaladdooda la ilaaway iyadoo dareenka loo rogay dagaalka cirka ee u dhaxeeya Israel iyo Iran.
Ugu yaraan 40 ka mid ah dadkii la dilay maalintii la soo dhaafay ayaa ku dhintay rasaasta iyo duqeymaha Israa’iil ee Arbacada maanta, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Dhimashada waxaa ka mid ahaa dilalkii ugu dambeeyay ee maalinle ah ee lagu laayay Falastiiniyiin gargaar u soo doontay xarun lagu qeybiyo Cunada.