Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisay Liiska xubno badan oo laga dhigayo Xildhibaano !!

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka shaqeenaya sidii uu mar kale talada Soomaaliya u hogaamin lahaa afar sano oo kale, waxa uuna Farmaajo waqti badan ku bixinayaa sidii ay u rumoobi laheyd riyadiisa.

Farmaajo iyo gacan yarayaashiisa ayaa wada qorshayaal badan oo ay ku doonayaan in mar kale xukunka kusoo laabtaan, waxa ayna kooxdan sii diyaarinayaan istaraatiijiyada ay aaminsan yihiin in mar kale kusoo laaban karaan.

Sida aan wararka ku helnay Villa Soomaaliya ayaa hada diyaarisay liiska xubno badan ay dooneyso in ay Xildhibaano ka dhigto , xubnahan ayaana u badan dhalinyaro saaxada siyaasada ku cusub kuwaa oo u badan taageerayaasha jidbeysan ee Farmaajo.

Xubnaha la diyaariyay in  Xildhibaano noqdaan waxaa ku jira qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan kuwa sida weyn u taageersan siyaasada Madaxweyne Farmaajo loona arko in mar kale Farmaajo dooran karaan.

Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale diyaarisay liiska Xildhibaano hada ku jira Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday iyo Siyaasiyiin la doonayo in laga ilaaliyo in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo heer maamul goboleed ayaa u badan xubno aad ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa Nabad sugida katirsan, waxaana guddigan loogu tala galay in ay soo saaraan Xildhibaanada Villa Soomaaliya rabto.

Doorashada Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay noqoto mid aan cadaalad iyo dimuquradaiyad ku dhicin oo la musuq maasuqo, musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaana kahor yimid guddiga doorashada ee la magacaabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -