Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mustafe Cagjar oo sagootiyay ciidamo Soomaali ah oo loo diray dagaalka Tigray (Sawirro)

Boqolaal ka tirsan ciidanka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Boolis ayaa maanta u ambabaxay Gobolka Tigray ee ay dagaaladu ka Socdaan.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa magaalada Dhagaxle ee degaankaasi ka sagootiyay ciidamadan

Ciidamada ayaa la sheegay in la gayn doono jiidda hore ee gobolka Tigray halkaasoo ay muddo bilooyin colaad ka taagnayd.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa talaabadan kaga jawaabayay baaq uu dhawaan degaannada u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa iney ciidamo soo diraan si dalka looga difaaco waxa uu ku sheegay cadowga TPLF.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa horay u sheegay inay qeyb ka noqon doonaan dagaalka TPLF lagula jiro, walow ay jiraan dad diidan in Soomalidu ay qeyb ka noqoto colaada Waqooyiga Itoobiya ka socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin dil iyo dhaawac u geestay labo wiil uu Abti u ahaa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

IGAD oo xil culus u magacowday Madaxweynihii hore ee Mamulka Hirshabelle

Caydiid Ali

Israa’iil oo loogu deeqay Gantaal loogu magacdaray Naarta Jahannamo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---