Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo qaadaya talaabo aan looga baran Madaxdii isaga ka horeysay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dib u dhigayo jeedinta khudbadda Xaaladda Qaranka ee sanadlaha, ilaa aqalka Congress-ka uu ka xalinayo xirnaanshaha qeyb ka mid ah howlaha dowladda, iyadoo talaabadan ay tahay mid aan looga baran madaxdii ka horeysay.

“Ma raadinayo meel kale oo aan khudbadda ka jeediyo, sababta oo ah ma jiro masrax u dhigma taariikhda, dhaqanka iyo muhiimadda Aqalka Wakiilada” ayuu yiri Trump oo qoraal soo dhigay twitter-ka arbacadii.

Goor sii horeysay, saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay inuu socday qorshe uu madaxweynaha doonayey inuu khudbadda ka jeediyo goob kale, oo aan ahayn Aqalka Wakiilada.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanad kasta waxaa laga doonayaa inuu congress-ka u gudbiyo warbixinta xaaladda waddanka, hase yeeshee ma jiro wax qasbaya inuu ka hor jeediyo labada Aqal ee sharci-dejinta.

Afhayeenka Congress-ka, Nancy Pelosi ayaa ku boorisay Trump inuu dib u dhigo khudbaddiisa inta laga xalinayo muranka ka taagan xirnaanshaha dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne caan ah oo laga helay nooca cusub ee cudurka COVID-19 Amicron

Caydiid Ali

Jaamacadda Gareen Hope oo soo dhaweysay Qoraal kasoo baxay gudiga Tacliinta sare

Cabdi Cade

Dowlada oo Shaacisay goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo Shirka Farmaajo iclaamiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---