Allbanaadir.com
NEWS

Mungaab oo shaqada ka eryey Sadex Masuul kuwo cusubna ku bedelay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Magacaabay.

1- Mudane 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧, Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhul bixinta Dowladda Hoose ee Muqdisho. Waxaana xilalkii laga qaaday Mudane Zakariya Bashiir Muude iyo Mudane Cabdicasiis Axmed Cali.

2- 𝐗𝐚𝐦𝐝𝐢 𝐅𝐚𝐭𝐱𝐢 𝐂𝐚𝐥𝐢, Waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday, Mudane Cabdifataax Jiinow Gacal iyo Mudane Mahad Xuseen Axmed.

3- 𝐇𝐚𝐧𝐢 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐥𝐢, Waxaa loo Magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka. Waxaana xilkii laga qaaday Mudane Cabdullaahi Xasan Maxamed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mas’uuliyiintaan kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

Lama sheegin sababta isbedelka loogu sameeyey agaasimayaashan, balse Gudoomiye Mungaab oo dhowaan mar kale loo magacaabay xilka ayaa wada isbedelo uu ku sameynayo maamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Baraf iyo qabow dad ku laayey qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan loo diiday saakay in uu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---