Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Somalia & Algeria oo iska kaashanaya hal arrin

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka  Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Aljeeriya, Mudane Kouidri Chakib Ismail.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugtaas, kuwaasoo muujiyay daneyn iyo diyaar garow ku aaddan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dowladood.

Danjire Yuusuf Jeego ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta, lana abuuro jawi ganacsi oo furan, kaasoo dhiirrigelin kara maalgelinta iyo iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay in la aas-aaso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, khibrado, iyo tababarro la xiriira warshadaha iyo suuq-geynta.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la bilaabo hannaanka isku xirka ganacsatada labada dal, loona diyaariyo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

 

Related posts

Soo Xulista Xildhinaanada Galmudug oo mar kale dib u dhacay iyo Caqabado cusub oo ….

Cabdi Cade

Shir Xasaasi ah oo looga hadlayay Amniga dalka oo Muqdisho ka dhacay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo hanjabaad aan horey loo arag u diray Iran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---