Xasan Sheekh ” Dowlad gacan adag dadka ku qabata waxa maanta jira ayaan ka dhaxalnay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hada ah Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka UPD , ayaa sheegay in xiligan aan dalka lagu maamuli karin awood iyo caburin sida uu sheegay.

Waxa uu tilmaamay in Idaacadaha iyo meelaha uu ka maqlo dad sheegaya in loo baahan yahay dowlad xoog iyo gacan adag dadka ku qabata , waxa uuna xusay in dhibaatada hada taagan laga dhaxlay dowlad gacan adag dadka kusoo qabatay.

”Dadka qaarkiis ayaa maanta waxa ay leeyihiin dowlad xoog leh oo dadka gacan adag ku qabata ayaa loo baahan yahay, dowlad xoog leh oo dadka gacanta ku qabata waxaan maanta ka dhaxalnay dhibka hada jira, loomana baahna xiligan dowlad gacan adag dadka ku qabata” Ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay dowlad qaanuun iyo sharciga dadka ku hagta balse aan loo baahneyn xiligan shaqsiyaad dadka gacan adag ku qabta sida ay rabaana wax u maamula.

Hadalka kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u muuqda mid uu ku durayo dowlada federaalka Soomaaliya oo mudooyinkan dambe bilowday in ay caburiso siyaasiyiinta mucaaradka ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -