Madaxweyne Mustafa Cagjar oo xaalada ku xun tahay iyo Shir xasaasi oo maanta …

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee caasimada maamulka Soomaalida ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo xiisad siyaasad oo aad u xoogan , waxaana magaalada tahay mid aad looga dareemayo xaalad ka duwan kuwii hore.

Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in shalay labo mar looga yeeray magaalada Adis Ababa halkaas uu kula soo kulmay Madaxda sare ee dowlada federaalka Itoobiya.

Mustafa Cagjar ayaa lagu soo waramayaa in hada xaalada ku xun tahay uuna cadaadis xoogan kala kulmayo dowlada federaalka, waxaana siyaasada uu maamulka ku hago aan ku qanacsaneyn dowlada federaalka iyo xubno katirsan maamulka uu hogaamiyo Mustafa.

Madaxtooyada maamulka Soomaalida ayaa lagu wadaa in maanta kulan xasaasi ah ku yeeshaan golaha Wasiirada maamulka, waxaana kulanka diirada lagu saari doonaa xiisada siyaasadeed ee taagan iyo sidii looga gudbi lahaa.

Mustafa Cagjar ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay wajahayay caqabado meelo kala duwan uga imaanayay, waxaana caqabadaha uu wajahayay kamid ahaa dagaalka Soomaalida iyo Oromada iyo sidoo kale nidaamka uu rabo in uu wax ku maamulo oo la dhaliilay.

Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa khilaaf hoose oo la sheegay in uu soo kala dhax galay Hogaanka Dowlada Federaalka Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Soomaali State Mustafa Cagjar oo talada maamulkaasi haya mudo lix bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -