Madaxtooyada Soomaaliya oo si adag u beenisay War ay baahiyeen Warbaahinta Kenya

Warbaahinta Kenya oo soo xiganaysay saraakiil katirsan laamaha amaanka dalkaasi ayaa baahiyay in sadex kamid ah qoryihii ay adeegsadeen kooxdii weerarka ku qaaday DusitD2 ee magaalada Naiarobi ay adeegsadeen qoryo ay lahaayeen ciidanka dowlada.

Hay’adaha baaritaanada ku haya weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ayaa gacanta ku dhigay shan qoray oo ay adeegsadeen ragii weerarka geestay, waxaana sadex kamid ah qoryahaasi Warbaahinta Kenya sheegeeb in milatariga Soomaaliya lahaayeen.

Hadalkaasi waxaa si adag u beeniyay La-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse, waxa uuna sheegay la taliyaha in been tahay in hubka weerarka lagu geestay lahaayeen Milatariga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Cabdi Siciid mar ay la xiriireen Hay’adaha amaanka dalka Kenya in ay sheegeen in warka la baahiyay uusan aheyn mid sax ah, waxa uuna xusay warkan la baahiyay in uu u badan yahay mid mala awaal ah.

La-taliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in raga weerarka ka geestay magaalada Naiarobi ay ahaayeen Kenyan, waxa uuna xusay in hubka Al Shabaab weerarada ku geestaan meelo kala duwan ka heli karaan.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaa sheegay in saddex ka mid ah Qoryihii ay adeegsadeen ragii weeraray Nairobi oo laga tirtiray sumada ama lambarka qoriga ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -