Madaxweyne Ali Bongo oo la afgembiyey & milateriga oo talada la wareegay

Ciidamada Militariga dalka Gabon ayaa shaaciyey inay afgembiyeen xukuumadda, iyadoo waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Libreville lagu arkay gawaarida militariga, waxaana  lagu soo roggay banddow.

Bayaan kasoo baxay saraakiil militari oo dhalinyaro oo laga baahiyay raadiyaha dowladda ayaa lagu sheegay inay jiraan walaaca sii xoggeysnayaa oo ah awoodda madaxweyne Cali Bongo uu ku hoggaamin karo dalkaasi isla markaasna dhaleeceeyay saraakiisha ugu sarreysa militariga.

Cali Bongo ayaa in ka badan labo bilood ka maqnaa dalka Gabon, waxaana laga daweynaya xannuun aanan la shaacin.

Qoyska madaxweyne Bongo ayaa 50 sanno ee la soo dhaafay maamulayay dalka shidaalka qaniga ku ah ee Gabon, waxaana lagu eedeeyay inay boobeen hantida iyo kheyraadka dalkaasi.

Cali Bongo ayaa xilka kala wareegay aabihiis sannadkii 2009-dii, wuxuu ku guuleystay doorashadii 2016-kii oo khalalaase badan uu ka dhashay.

Madaxweynaha la afgembiyey Ali Bongo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -