DF oo u digtay dalal ay ku eedeysay iney xad-gudub ka wadaan Somalia

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Maraakiibta sida sharci darrada ah biyaha dalka uga kalluumeysta.

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray Maraakiib laga leeyahay Waddamada Iiraan iyo Pakistan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna.

“Waan uga digeynaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah Waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga.

Markaakiibtaasi oo ah 43 markab ayuu sheegay Wasiirku inay badankood ku jiraan Xeebaha Galmudug iyo Puntland, ayna sababi karaan in mar kale ay burcad badeednimadii xoogeysato, waxa uuna ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ugu baaqay in dowladda ka caawiyaan xogta rasmiga ah ee maraakiiba sida sharci darrada ah uga jillaabta biyaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -