Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay Maandooriye aad u badan (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya gaar ahaan xashiish la doonayay in magaalada lagu iibiyo.

Xashiishkna oo dhamaa28-kg oo lagu soo xir xiray baco ayaa la doonayay in si farsameesan loogu suuq geeyo qeybo kamid ah magaalada Kismaayo, hasa ahaayee booliiska oo arintaasi ka war helay ayaa gacanta ku dhigay.

Saldhiga booliiska magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo bandhigay maandooriyahan ciidamada amaanka qabteen, waxa sidoo kale ciidamada booliiska xireen ninkii watay maandooriyaha la qabtay.

Waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishka iyo calaqa ayaa dhibaato xoogan ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana waxyaabahaasi maanka dooriya si caadi ah loogu gadaa meelo badan oo Soomaaliya kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble & xubno Wasiiro ah oo booqday Madaxweyne Xassan Shiikh (Sawirro)

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo Cadale kula afuray Madax & Saraakiil (Sawirro)

Caydiid Ali

Deegaano ka tirsan Sh/dhexe oo sanado ka dib ka baxay gacanta Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---