Darawal si farsameesan booliiska Kenya ugu gacan galiyay Labo nin hubeesan oo …

Booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo hubeesan, kuwaa oo doonayay in si qarsoodi ah gudaha ugu galaan dalka Kenya , waxaama ragan hada baaritaano ku wada Hay’adaha dambi baarista Kenya.

Labadan nin oo ka tagay deegaanka Hosingow ee gobolka Jubada Hoose ayaa gaari u raacay dhinaca Kenya, waxa ayna ragan darawalka gaariga ka codsadeen in uu marsiiyo wadooyin qardo jeex ah si aysan ciidamada Kenya u qaban.

Darawalka waday labadan nin oo lagu kala magacaabo Aadan Xasan Maxamed iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa markii uu ka shakiyay waxa uu ku sameeyay qiyaano waxa uuna geeyay saldhig booliis .

Ragan booliiska xireen ayaa markii hore Darawalka gaariga waday u sheegay in ay doonayaan deegaanka Haamey hasa ahaatee markii uu deegaankaasi geeyay ayey hadana ka codsadeen in uu geeyo Xerada Xagardheer taas oo shaki galisay darawalka.

Ciidamada booliiska ee xiray labadan nin oo la tuhmayo in Al Shabaab katirsanaayeen ayaa ku qabtay biskoolad nuuceedu yahay Makaaruf iyo rasaas badan, waxaa sidoo kale ragan lagu qabtay budo cad oon la ogeyn waxa ay tahay wali.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in baaritaano lagu wado ragan lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab, waxaana qabashada ragan imaaneysa xili maalmo kahor magaalada Nairobi ka dhacay weerar xoogan oo Al Shabaab ka dambeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -