Deegaano ka tirsan Sh/dhexe oo sanado ka dib ka baxay gacanta Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka sameeyey degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa intiisa badan waxaa laga sameeyey degaano hoostaga degmada Balcad oo dhowaanahan ay weeraro ay ka soo qaadayeen Al-shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay inay la wareegeen degaano ay gacanta ku hayeen sanado badan kooxda  Al-Shabaab oo ay ka mid yhiin Shanlow, Saarsaare, Xaanshooley iyo Cadayga.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jan.  Axmed Maxamed Calasow (Tredisho) ayaa sheegay in farriimo kala duwan ay uga imaanayaan shacabka ku sugan degaanada ay maamulaan Al-Shabaab, kuwaasoo buu yiri doonaya in laga dulqaado kooxdan oo uu sheegay iney dhibaatooyin kala duwan shacabka ku hayaan.

“Howlgalada ay wadaan ciidamada xoogga dalka wey sii socon doonaan tan iyo inta laga xoreynayo cadowga degaanada uu weli shacabka ku dhibaateynayo” ayuu yiri Jan.  Axmed Maxamed Calasow (Tredisho)

Ma sheegin taliyaha wax khasaare ah oo ka dhashay intii ay socdeen howlgaladan balse waxaa uu xusay in degaanadan ay yihiin kuwii Al-shabaab ay ka soo abaabuli jireen weeraradii ay ka fuliyeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

   Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -