Inta badan Hogaamiyaasha Wadamada Carabta oon ka qeyb galin Shirweyne ka furmay dalka…

Inta badan hogaamiyayaasha dalalka Carabta uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya ayaan ka qeyb gelin shirka Dhaqaalaha iyo Ganacsiga dalalka Carabta oo maanta ka furmay magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim iyo Madaxweynaha dalka Marutaniya Mohamed Ould Abdel Aziz ayaa noqday labada hogaamiye ee shirkan ka qeyb galay, halka ay hogaamiyayaasha kale oo horey loo filayey inay yimaadaan ay baaqdeen daqiiqadihii ugu danbeeyey.

Sheikh Tamim ee Qatar ayaa isagu deg deg uga dhoofay magaalada Beyruut kadib markii uu wakhti kooban ka qeyb galay furitaanka shirka sida ay xaqiijisay Madaxtooyada Lubnaan.

Dowlada Sacuudiga oo xayiraada saartay Qatar ayaa kamid ah wadamada culeyska weyn saaray Lubnaan oo iyaduna dooneysay inay dhaqaale badan iyo maalgashi ka hesho Qatar.

Dalalka kale ayaa wafuud heer wasiiro ah usoo diray shirkan.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa sanadkan Ganacsi isu furan dalalka Carabta iyo culeyska dhaqaale ee Qaxootiga Siiriya ku hayaan qaar kamid ah dalalka Carabta sida Lubnaan, ayaa hordhac u ah shirweynaha Jaamacada Carabta oo la filayo in bisha Maarso uu ka dhaco dalka Tunisia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -