Al Shabaab oo shaacisay tirada ciidamada Itoobiya uga dileen Weerarkii maanta

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar xoogan oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah ay wateen ciidamada Itoobiya oo marayay duleedka magaalada Buur Hakaba ee gobolka Baay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in khasaaro xoogan ciidamada Itoobiya lagu gaarsiiyay weerarkii maanta, waxa ayna Al Shabaab sheegeen hub iyo agab milatari in dagaalka ku furteen.

Al Shabaab ayaa warka kasoo baxay waxa ay ku sheegeen in dagaalyahanooda gacanta ku hayaan meydadka 57-askari oo katirsanaa ciidamada Itoobiya, waxa ay sidoo kale sheegeen in wali aruurinayaan meydadka iyo dhaawacyada ciidamada Itoobiya.

“Khasaara aad u xooggan ayaa ciidamada Itoobiya kasoo gaaray weerarkii saaka ka dhacay duleedka Buur hakaba, inta meydad ah ee Mujaahidiintu hadda gacanta ku hayaan waa 57 askari walina dhaawacyo iyo Meydad ayaa dhulka howdka ah laga baadi goobayaa”ayuu yiri sarkaal u hadlay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay weerarka ay ku qaadeen Kolonyada ciidamada Itoobiya ku gubeen todobo gaari oo u badan nuuca loo yaqaan Uuralka ay inta badan adeegsadaan ciidamada Itoobiya.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ay katirsan yihiin ciidamada Itoobiya ee saakay la weeraray, mana jiro sidoo kale war kasoo baxay dowlada Itoobiya oo ku aadan khasaaraha ciidankooda kasoo gaaray weerarka Buur hakaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -