Qarax Khasaaro geestay oo caawa ka dhacay Baydhabo iyo faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in caawa halkaasi uu ka dhacay qarax dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhax dhacay mooto ay la socdeen sadex ruux, waxaana qaraxan uu ka dhacay xaafada Isha ee katirsan magaalada Baydhabo oo hada xarun u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay labo ruux halka mid kalana uu ku dhaawacmay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamada booliiska oo goobtaasi ka qaaday dadka dhintay iyo ruuxa dhaawacmay.

Sargaal katirsan booliiska magaalada Baydhabo ayaa laga soo xigtay in qaraxa dhacay tuhmayaan in ay wateen raga uu ku qarxay, waxaana raga qaraxa ku dhintay la tuhmayaa in ay waxyaabaha qarxa ay wateen.

Booliiska magaalada Baydhabo ayaa wada baaritaano ay ku ogaanayaan qaraxan caawa ka dhacay magaalada Baydhabo iyo waxa uu ahaa, waxaana qaraxan loo maleenayaa in la doonayay in weerar looga geesto qeybo kamid ah Baydhabo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -