Magaca ninkii isku qarxiyay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo la shaaciyay

Baarayaasha weerarkii talaadadii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ayaa aqoonsaday ninkii isku qarxiyay  hotelka kahor inta uusan bilaaban weerarkii tooska ahaa.

War kasoo baxay booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Mahir Khalid oo kasoo jeeda magaalada Mombasa uu ahaa ruuxii isku qarxiyay Hotelka Dusit, waxa uuna ninkan katirsanaa guutada Jaysh Ayman ee ka dagaalanta gudaha Kenya.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa laga dhax arkayay ninkan oo ku hadlaya telfoon kahor inta uusan isku dhax qarxin maqaayad kutaala Hotelka Dusit ee kuyaala xaafada Westland.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi oo lagu dilay dad ka badan 20-ruux, waxaana weerarkaasi booliiska Kenya u xireen dad badan oo la tuhmayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -