Madaxweyne Erdogan oo shaaciyay xiliga dalkiisa soo gaarayaan Gantaalada S-400

Madaxweynaha dalka Turkiga Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo axad ah shaaca ka qaaday waxii ka bilowda bisha soo socota ee July ay dalkiisa soo gaarayaan gantaalada casriga ah ee S-40.

Gantaaladan oo ah kuwa difaaca cirka ayaa dowlada Turkiga waxa ay kasoo iibsatay dowlada Ruushka, waxa ayna arintan abuurtay khilaaf xoogan oo soo kala dhax gala dowlada Turkiga iyo Mareykanka.

Madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyay in ay ku faraxsan yihiin in ay helaan uuna dalkooda soo gaaro bisha soo socota ee July gantaalada S-40  oo ah kuwa lidka diyaaradaha oo casri ah.

Heshiiska uu Turkiga gantaaladani uga soo iibsanayo Ruushka ayaa khilaaf xoogan ka dhex dhaliyay Turkiga iyo Mareykanka, waxaana Mareykanka ku hanjabtay in ay cunaqabateyn kusoo rogi doonto Turkiga haddii ay ka dhabeyso heshiiska gantaalada S-400.

Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale dowlada Turkiga ugu goodisay in ay joojin doonto heshiis Xukuumada Ankara looga iibin lahaa 100 diyaaradood oo ah kuwa dagaalka gaar ahaan nuuca loo yaqaano F-35 hadii Turkiga ka iibsadaan Ruushka Gantaalada S-400.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -