Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Saciid Deni oo kulan deg deg ah la qaatay Saraakiisha amaanka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dooran ee maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saakay kulan deg deg ah magaalada Garawe waxa uu kula qaatay saraakiisha laamaha amaanka Puntland.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay taliyaasha ciidamada maamulka Puntland iyo saraakiil kale oo katirsan laamaha amaanka, waxaana kulanka looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa amaanka inta lagu guda jiro kala wareega maamulka Punland.

Madaxwenaha cusub ee maamulka Puntland ayaa saraakiisha uu la kulmay uga mahad celiyay sidii ay uga sahaqeeyeen amaanka guud intii ay socdeen doorashada Madaxda maamulka Puntland .

Saciid Deni Madaxweynaha cusub ee shalay lagu doortay magaalada Garawe ayaa dhawaan la filayaa in xilka si rasmi ah ula wareego , waxaana marka uu xilka la wareego laga sugayaa Madaweynaha in uu soo dhiso golle wasiiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuu Mansuur oo qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Sacuudiga oo xabsi dheer ku xukumay imaamkii hore ee Xaramka Maka

Caydiid Ali

Taliye cusub oo loo magacaabay qeybta Booliska Waliyow cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---