Wasiir u dhashay Israa’il oo lagu helay in uu basaas u ahaa dowlada Iiraan

Siyaasi Wasiir kasoo noqday Maamulka Israa’il ayaa lagu helay dambi ah in uu xariir hoose la lahaa dowlada Iiraan una basaasay xogo badan oo leedahay Maamulka Israa’il.

Wasiirkii hore ee Tamarta maamulka Israa’il Gonen Segev ayaa qirtay in uu wada shaqeyn la lahaa dowlada Iiraan una basaasay, waxa uuna wajahayaa Wasiirkan xukun adag oo xabsi ah marka dacwadiisu soo dhamaato.

Maamulka Israa’il ayaa Gonen Segev eedeeyay in xog ku saabsan suuqyada tamarta, saldhigyada ammaanka Israa’iil iyo xog ku saabsan saraakiisha sirddoonka uu u gudbin jiray dalka Iiraan.

Wasiirkan ayaana xabsi la dhigay kadib markii lagu helay in uu u basaasay Iiraan, waxaana Wasiirka la sheegay in sanado badan wada shaqeyn hoose la lahaa Iiraan una gudbin jiray xogo muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -