Dilal saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Al Shabaab oo war kasoo saartay

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay agagaarka Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen labo askari oo katirsan ciidanka dowlada .

Rag biskoolado ku hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in gaadmo ku dileen labada askari oo kasoo baxay guri kuyaala agagaarka Ex-Control Afgooye, raga dilka geestay ayaana goobta si deg deg ah uga baxsaday.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu dilay labada askari, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano la sheegay in aan lagu soo qaban ragii dilalka geestay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada dilalka loo geestay labada Askari, waxa ayna Shabaab sheegeen in ragii fuliyay dilalka labada askari ay si nabad galyo goobta uga baxsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -