Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye cusub oo loo magacaabay qeybta Booliska Waliyow cadde

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee G/Banaadir iyo qaar ka mida taliyeyasha Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyihi booliska degmada Hodan C/fataax Bashiir Cali, waxaana loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee Qeybta Weliyow Cadde ee Gobolka Banaadir oo ay hoos yimaadaan degmooyinka Muhiimka ah ee ay ku yaallaaan xarumaha dowladda sida Madaxooyada.

Sidoo kale taliye xigeenka Qeybta Weliyow-Cadde waxaa loo magacaabay Shuceyb Cabdi, iyadoo Bashiir Cabdi Siyaad loo magacaabay Taaliyaha saldhiga Booliska ee Degmada Hodan.

Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xaalada amniga caasimadda uu sii xumaanayo, iyadoo maanta weerar lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee degmada Shangaani lagu dilay illaa 15 qof oo uu ku jiray Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo kulamo ka wada Magaaladda Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay in amniga dalka uu meel xun marayo

Cabdi Cade

Sawirro: Xildhibaankii ku geeriyooday Muqdisho oo lagu aasay Hargeysa iyo Muuse Biixi oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---