Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan , ayaa magaalada Riyadh kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.
Kulanka labada wasiir, ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa.
Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).
Dowladda Soomaaliya, ayaa Sacuudiga shaqo uga raadineysa dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed una badan gabdho ka shaqeeya guryaha Sacuudiga, waxaana marar badan Sacuudiga loo diray gabdho ku shaqeenaya qaabka loo yaqaano booyaasada.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com