Sacuudiga oo xabsi dheer ku xukumay imaamkii hore ee Xaramka Maka

Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa 10 sano oo xarig ah ku xukuntay Imaamkii hore ee Masjidka xaramka ee magaalada Makka Sheekh Saalax Al-Daalib.

Maxkamadda Racfaanka Sacuudiga ayaa soo saartay xukun 10 sano ah oo ka dhan ah Imaamkii hore Sheekh Saalax Al-Daalib. sida laga soo xigtay warbaahinta dalalka Carabta

Sida laga soo xigtay warbaahinta, maamulka Sacuudiga ayaa xiray Saalax Daalib bishii Ogoosto 2018 iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray.

Daalib waxa uu garsoore ka soo noqday maxkamado kala duwan oo Sucuudiga ku yaalla, sida maxkamadda sare ee Makka, oo uu ka soo shaqeeyay ka hor inta aan la xirin.

Tan iyo markii la xiray Shiikhan, hay’adaha xuquuqul insaanka iyo warbaahinta kala duwan ee ka soo horjeeda Sucuudiga ayaa xukunkiisa la xiriiriyay khudbad uu jeediyay oo uu kaga hadlayay ‘muhiimadda ay leedahay diidmada xumaanta’.

Sheekh Saalax ayaa khudbad uu jeediyay ka hor inta aan la xirin waxa uu dhaleeceeyay madaxda dulmiga sameysa ee u dhaqma qaabka kaligii-taliska ah. Waxaa la sheegay in xilligaas aanu soo hadal qaadin qoyska boqortooyada Sacuudiga hase ahaatee waxaa hadalkaas dhibsaday dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Salman

- Advertisement -